X

Afhayeen Muuse Biixi u hadlay oo ka war bixiyay xaalada caafimaad ee weriye Coldoon

Afhayeen u halay Muuse Biixi ayaa sheegay in baadhitaan caafimaad laga qaaday weriyaha u xidhan Muuse Biixi ee Coldoon oo hadda soo liqay hal sanno oo sharci daro ah. Afhayeenkan qaybta caafimaadka ee maamulka Somalilaan ayaa sheegay in baadhidii ugu horeysay waxba laga waayay.


”Baadhidii ugu horeysay ee aan ka qaadney weriyaha Muuse Biixi u xidhan ee Coldoon waa siiro, waxaanse dirney dheecaankiisa si Kiiniya looga soo xaqiijayo inuu qabo Kooro iyo in kale ayuu yiri Xergeeyo.

Dadka u ololeeya weriye Coldoon ayaa sheegay in Muuse Biixi rabo inuu jeelka ku dilo kadibna yiraa wuxuu u dhintey cudurka Kooro. Afhayeenka Muuse Biixi ayaa qirtey in weriyuhu qabo xanuunada neef-mareenka wuxuuse raaciyay in natiijadii hore ay eber tahay,


Ma sheegin cida u qaaday baadhida. Waxase cad in baadhidii hore ay fashil tahay oo ay sugayaan tan Kiiniya ama Muqdisho loo direy.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.