X

Afhayeenka barlamaanka Somaliya oo masuul ka ah xiisada jirta oo baaq direy

Afhayeenka barlamaanka Somaliya Maxamed Mursal oo masuul ka ah xiisada siyaasadeed ee ka dhexjirta barlamaanka ayaa baaq direy ku simaha maamulka Koofur Galbeed ee aan shaqayn, kana dalbadey inuu dejiyo xiisada ay wadaan argagixisada shabaab qaybta Mukhtaar Roobow oo hadda helay fursad ay Baydhabo u dejiyaan calanka Somaliyeed kuna bedelaan kooda madow.


Rabshadaha ay dhigeen kooxda shabaab garabka Mukhtaar Roobow ayagoo si qabiil isku uruursanaya ayaa wax u dhimey shacabka Baydhabo degan qaybo ka mida magaalada, waxay qasabtey in ciidanka Itoobiya soo celiyaan kala dambeynta.


Maxamed Mursal ayaa soo jeediyay in doorashada dib loo dhigo, arintaas oo u muuqata in aan la aqabali karin, siina kordin doonta in argagixisadu sii wadi rabshadaha ay wadaan ayago ku gabanaya dimoqraadiyada.

Wuxuu dhinaca afhayeen Maxamed Mursal dalbadey in argagixis Mukhtaar Roobow la soo daayo. Afhayeenka ayaa ku kibrey dadkii soo magacaabay ee uu u horeeyo RW xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo.


Afhayeen Maxamed Mursal ayaa sheegay in la caburinayo xildhibaanada isaga taageersan asagoo marnaba ka hadlin hawlihii dadka loo qaban lahaa ee murankiisu hakiyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.