X

Afhayeenkii madaxweynaha Ruushka oo laga helay cudurka Kooro

Afhayeenkii madaxweynaha Ruushka iyo xaaskiisa ayaa laga helay cudurka Kooro. Ruug cadaa Dimity Peskov oo jagada afhayeenka madaxweynaha soo hayay muddo 20 sano ayaa sheegay inuu ku jiro isbitaal xaalkiisuna fiican yahay.



Xaaskiisa oo iyaduna caana ciyaartana ciyaarta barafka ayaa laga helay waxayse sheegtay inay hadda ka kacdey cudurka oo xumad ayna lahayn.

Waxay kaloo sheegtay in ninkeedu fiican yahay oo aanu waxba qabin. Afhayeen Dimitri oo ku hadla sadexda luqadood ee Ingiriis, Carabi iyo Turki ayaa sheegay in aanu arkin madaxweynaha muddo bila, isla markaana ay yartahay inuu isaga ka qaado.


Madaxweyne Buutin ayaa waxa sidoo kale ka xanuusaday raiisal wasaaraha inkastoo hadda la sheegay in uu isagna ka kacay cudurka.

Wadanka Ruushka ayaa Kooro ku sii faafayaa qaasatan caasimada Moosko oo iyada laga helay kiisaska ugu badan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.