X

Afkii Muuse Biixi Oo Juuqda Gabay Gud Aqalka Sare Ee Somaliya Iyo Raiisal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Waa Xigtadiisa

Afkii Muuse Biixi Oo Juuqda Gabay Gud Aqalka Sare Ee Somalia Iyo Raiisal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Waa Xigtadiisa

Muwaadin in mudo ah waxaan waday qoraal ku saabsan xidhiidhkau dhexeeya xisbigul xaakimka Kulmiye iyo siyaasiyiinta ka shaqaysta mashruuca Somalia in mudo ah oo laga joogo dabayaaqadii dagaaladii sokeeye siyaasiyiinta ugu cad cad Kulmiye ayaa iyagu ku andacoon jiray inay siyaasiyiinta beelaha Garxejis yihiin federaal ama doonayaan is dhex yaac dambe oo dhex mara Somalia iyo Somaliland waana sababta ugu weyn ee dhalisay dagaaladii sokeeye raga arrinkan ka soo shaqeeyay ee sida weyn u faafiyay bulshadana iska hor keenay waxaa kow ka ah labo korneel waa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo dagay shaxdan waagaas oo uu Xamar ka dagay A/Tuur runtii nasiib darro weyn ayay ahayd arrintaas uu ku dhaqaaqay mujaahidka weyn waayo Somaliland dhexdeed ayuu ka hurin kari lahaa mucaaradad adag oo uu kaga horyimaado kooxdan isku uruursatay Kulmiye balse noqon waa waana kii tagay Xamar taas oo fursad weyn u banaysey kooxda federaalddidka isku sheegtay

Mudo dheer ka dib maanta 2017 waxaa magaalada Xamar xilalka ugu sareeya ka haya shakhsiyaad ay hayb wadaagaan gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi weliba waxay hayaan siyaasiyiinta jufada hoose ee Muuse labo xil oo aad u waaweyn oo kala ah Raysal Wasaare Ku Xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi labaduba waa Sacad Muuse waana rag aaminsan federaal iyo Somaliweyn welina wax hadal ah lagama hayo Gudoomiye Muuse oo ku saabsan labadaas masuul ee ay is xigaan halka uu hore u duri jiray Ismaacill Cumar Buubaa oo ka soo quustay Xamar kuna soo laabtay dalkiisa hooyo Somaliland imikana ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga Waddani waxa kaloo Muuse Biixi eryan jiray Xaakinkii sare ee hore ee Somalia Caydiid Ilkoxanaf kaas oo isna xilka laga qaaday ka dib codsi uga yimid Xasan Sheekh madaxtooyada Somaliland iyo kooxdeeda Kulmiye
Suaasha ugu weyn ee taala Somaliland waa yaa haatan federaal ah yaase Somaliland sooc ah waana mid fudud markaad eegto xukuumada Kulmiye oo u heelan la lahadlka iyo la shaqaynta Somalia imikana ay ku darsatay u doonashada xilalka sare ee Xamar taas oo ina tusaysa madaxda Kulmiye daacad kama aha gooni isutaaga Somaliland ee waa ku sii meelgaadh si ay hadhow uga sii gudbaan Somaliweyn marka ah xoolaha dalka wada fuuqsadaan eebe kama dhigo’ee
admin:

This website uses cookies.