Dhawaan ayay ahayd markii Somaliya sheegtay inayna u baahnayn ergayga dhexdhexaadinta doorashada maadaama arinta amniga iyo qaban qaabadaba lagu wareejay raiisal wasaaraha, waxase Afrikaanku qabaan in dalku cod lahayn oo ay dusha ka keeni karaan.
”Ma rabno in Somaliya gacan ku lahaado ama saamayn ku lahaato cida aan magacaabayno ayuu yiri masuul u hadlay ururka Afrikaanka oo u muuqda inu xaqirayo dalka.
Si kastaba ha ahaatee ergaygan ay Somaliya diidey oo ah madaxweynihii hore ee dalka Afrikaanka ee Gaana ayayna isku ceebayn doonin inay dalka u soo diraan ilaa ay ogolaansho ka helaan dawlada Somaliya.
Kooxda sheegata beesha caalamka ayaa si caadiya u qasaya dalka waxayna rabaan in madaxweyne Farmaajo isa soo sharixin.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS