X

Agaasimaha NISA oo eedeeyay wadamada caalamka iyo sababta

Agaasimaha NISA Sambalooshe ayaa eedeeyay wadamada caalamka. Somaliya ayaa la tiicaysa weerar argagixisadu ku qaadey Muqdisho halkaas oo ay ku xasuuqeen in ku dhow 400 oo qof.

C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa sheegay in Hay’adaha caalamka ee qibrada leh ay ka gaabiyeen in iskaashi dhinaca wadaagista xogta ah iyo waliba qablaka ah ay siiyaan Soomaaliya.



Wuxuu sheegay in khubarada wadamada qaarkood ay yimaadaan Soomaaliya kadibna ay baaritaan ku sameeyaan Qaraxyada, balse natiijada baaritaanadaasi aysan dib ugu soo celin Soomaaliya.

“Waxaan ka codsanay wadamada aan bah-wadaagta nahay in ay nala qeybsadaan akhbaarta iyo cadeymaha laga helo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya oo dowlada Soomaaliya ay wax ka ogaato balse taas bedelkeeda dhagaha ayaa nalaga fureystay.” Ayaa ka mid ah qoraalkii uu wargeyska New York ku daabacay Sambaloolshe.



Somaliya ayaad moodaa in lagu daawanayo xasuuqa argagixisadu ka wado dalka halkaas oo ujeedadu tahay in ay burburiso horumarka yar ee jira.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.