Agagixisada oo laba haween oo walaalo ah ku diley gobolka Mudug. Sida dadka deegaanka ay ku waramayaan gaari ay la socdeen labadan haween ee walaalaha ayaa marayay deegaanada Caad iyo Camaara.
Shalay ilaa saaka waxa deegaanada Mudug ka socda kacdoon dadku iskaga dul qaadayaan argagixisada. Inkastoo ay ku guulaysteen oo ka dileen argagixiso farabadan hadana waxa ku yaraadey gurmadka.
Labada gabdho ee argagixisadu ay dileen ayaa waxa ay saarnaayeen gaari ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday dhanka Magaalada Cadaado.
Gadoodka dadka deegaanka ayaa socda waxana loo diraya gurmad ay isaga sifeeyaan argagixisada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS