Culimaaudiinka Ahlu sunna wal jamaaca ayaan deegaanadooda laga soomin maanta xilli Somaliya oo dhan laga soomay. Ahlu sunna ayaa diidey in Sucuudiga la raaco oo ay ku eedeeyeen in uu la jiro argagixisada shabaab maadaama ay isku madhab yihiin.
Deegaanada ay ka taliyaan Ahlu sunna oo argagixisada fooda soo gelin wayday sanadahaa oo dhan ayaa waxa ka mida Guriceel, xarunta gobolka ee Dhuusamareeb, Matabaan iyo qaybo ka mida magaalada Cadaado.
Ahlu sunna ayaa sanadkii horena hal maalin ka dambeysay Somaliya hal maalin kadibna ciidey iyagu.
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS