Maamulka Puntland ayaa Ahlu sunna kala wareegay maxbuus ay hayeen oo sida la sheegay gaystey dil kadibna gaystey baxsaday.lagu qabtey dagaal.
Ninkan ayaa u baxsaday dhinaca Ahlu sunna. Xuseen Ibrahim Yuusuf, oo dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdulaahi Darroor, ayaa soo qabashadiisa waxaa ku guulaystay maamulka Ahlusunna ee gobolada dhexe.
Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qof shacab ah ku soo dilay deegaanada Puntaland ayaa laga soo qabtay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud..
Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug, Kornayl Cismaan Xasan Cowke ayaa u mahad celiyay maamulka Ahlusunna oo xil weyn iska saaray inay qabtaan dambiilahaan, isagoo taliyuhu sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay wada shaqeynta labada dhinac.
Maamulada Ahlusunna iyo Puntland ayaa inta abdan feker ahaan isku soo dhow iyadoona la sheego in Puntland ay taageerto Maamulka Ahlusunna oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Galmudug.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS