X

Ahlu-sunna oo soo bandhigay gawaari ay ku qabsadeen dagaalkii DhuusaMareeb

Maamulka ahlu-sunna Waljamaaca ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay ka qabasadeen ciidamadii weerarka kusoo qaaday Arbacadii fadhiisimo ay ciidamadda Ahlu-sunna ku lahaayeen magaaladda dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo socday waqti aad u badan ayaa waxaa uu geestay khasaare isugu jira naf iyo maal waxaana ay ahlu-sunna xuseen in weerarkaasi ay ku lug lahaayeen ciidamo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda Magaaladda dhuusamareeb ayaa aad u degan waxaana dib magaalada ugu soo laabtay dadkii ka barakacay.

Hadaba hoos ka eeg sawiradda gawaaridda ay soo bandhigeen Maamulka Ahlu-sunna Waljamaaca ee goboladda dhexe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.