X

Ahlu sunna oo xoog looga saaray Caabudwaaq iyo ciidan taabacsan maamulka Galmudug oo la wareegay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka gobolada dhexe si xooga looga saaray magaalada Caabudwaaq iyadoo hadda la sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalada ciidan iyaguna raacsan maamulka Galmudug. Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in la joojiyo dagaalka halkaas ka socda iyadoo dadku ay ka qaxeen magaalada.

Wasiir ka tirasan maamulka Galmudug oo la hadlay idaacada radiyomuqdisho ayaa sheegay in ay dejiyeen calan u eg kii shiicada waa siduu hadalka u dhigey. Wax wara kama soo bixin dhinaca Ahlu suna.

Dagaalka Caabudwaaq ayaa salka ku haya xifaaltan u dhexeeya maamulka Xasan Sheekh taageero iyo kan Ahlu suna ee ka dhisan caasimada gobolka ee Dhuusamareeb waxayna muujinaysaa in aan maamulkan lagu heshiin intii aan la dhisin.

Lama garan kari khasaaraha soo kala gaadhey labada dhinac iyadoo dagaalkani kaliya sii xoojinayo colaada u dhaxaysa labada maamul inkastoo Dagaallada ka dhacay magaalada Cabuudwaaq ay inta la ogyahay ku geeriyootay Sideed ruux oo rayid ah halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.