X

Ajaanib lagu diley magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Ajaanib lagu diley magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Dadka la dilay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa la sheegay inay socoto ku ahaayeen magaalada Boosaaso oo ay ahaayeen tahriibayaal masaakiin Oromo ah.


Laamaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen inay baxsadeen dadkii dilkaasi geystay, islamarkaana aysan jirin cid heybtooda garaneysa balse waxaa goobta uu weerarka ka dhacay ciidamada ammaanka ee gobolka Bari.

Labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray rasaastana dableyda ku rideen ayaa waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Boosaaso.


Dhalinyaro u badan rag iyo dumar u dhashay dalka Itoobiya ayaa waxa ay ku nool yihiin magaalada Boosaaso ee Puntland, kuwaasi oo ku nool duruufo aad u adag.

Waxa laysku dayay in laysku diro qoomiyadaha walaalaha ah ee Somalida iyo Oromada weyse dhicisowdey. Booliiska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.