X

Ajnabi baxsad ahaa oo gacanta lagu dhigey magaalada Gaalkacayo

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa Ajnabi xili uu ku howlanaa in ciidamada uu ka baxsado.

Ninkaani Ajnabiga ah ayaa waxaa lagu qabtay Xeebta Degaanka Ceel-dhanaane ee Gobolka Mudug, waxaana la sheegayaa inuu kasoo jeedo dalka Yemen.

C/llaahi Yusuf Carays oo ah Taliyaha Qaybta Booliiska Degmadda Jariiban ayaa sheegay in ninkaasi ay qabteen isaga oo ku jira Orad islamarkaana doonaayay in halkaasi uu ka baxsado.

Taliyaha waxa uu sheegay in ninkaasi ay haatan ku hayaan baaritaano isla markaana faah faahino badan ay warbaahinta u soo gudbin doonaan saacadaha soo socda.

Waxa uu tilmaamay in ninkaani ay uga shakisan yihiin inuu yahay Horjooge ka tirsan Al-shababa oo ku jiray xaalad jahwareer ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in loo gudbin doono Ninkaan Gacanta lagu hayo si Baaritaan intaas dheer loogu sameeyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.