X

Ajnabi gabadh Somali ah dhirbaaxay oo dalka ka baxsaday

Wasiirka caafimaadka dawlada dhexe Marwo Fowsiya Abuukar Nuur oo ka hadlaysa khatarta ajaanibta ku shaqaysta xirfadda caafimadka ay ku hayaan dalka ayaa ka warantey dhacdo nin ajnabi ah ku baxsaday.


Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi tirade badan ee Masar ayaa dhirbaaxay gabadh Somali ah oo ka cabanaysay in aan la siin mishaharka. ā€¯Waxaan ku guulaysanay in aan xirno ninkaas laakiin lagu sii daayay damiin markii dambe ayay tiri wasiir marwo Fowsiya.


Sidee dalka uga baxay

Isla markiina intaan laga gun gaarin in la xukumo uu dalka ka baxsaday oo uu si caadiya uga dhoofay garoonka Muqdisho.

Isbitaalka gabadhan Somalida lagu dhirbaaxay aya waxa furtey dhaqaatiir Masaariya oo hadda dalkoo dhan min Boorama ilaa Kismaayo ku leh isbitaalo gaara.


Dhaqaatiirtan sheeganaysa dhaqtarnimada ayaan la xaqiijin xirfadooda. Intooda badana waxa keena Somali.

Ugu dambeyn Xildhibaannada Golaha Shacabka ee fadhiidka ah ayaa ka codsatay inay ansixiyaan Sharciga Mixnadlayaasha Caafimaadka oo ay ku jiraan qodobo xakameynaya sida dhaqaatiirta Caafimaadka Ajaanibta ah dalka uga howlgeli karaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.