X

Akhwaan Erdogan oo jawaab xun kala kulmay Bakistaan

Madaxweynaha urur dimeedka akhwaanka ee dalkaasi Erdogan ayaa jawaab aanu filanayn kala kulmay maxkamad ku taal dalkaasi Bakistaan.

Erdogan oo Bakistaan booqdey ayaa amrey in la xidho dugsiyo ay leeyihiin urur diimeed kale oo hore ay saaxiibo u ahaayeen laakiin hadda uu ku eedeeyay afgambi fashilmey.

Bakistaan ayaa u diidey macalimiin wax ka dhiga dugsiga loo yaqaan Pak-Turk in ay u cusboonaysiiso dal-ku-galka ay ku joogeen Bakistaan, waxayna amartey in ay si dhaqso ah uga baxaan dalka markii Erdogan tagey Bakistaan.

Maxkamad ku taala magaalada weyn ee Lahoor e bariga Bakistaan ayaa joojisay in macalimiintaas oo boqol gaaraya ay dalka ka baxaan waxayna amartey in wasaarada arimaha dibedu jawaab u soo celiso bisha koowaad ee sanadka soo socda.

Talaabadan ayaa loo arkey mid XORA oo ka dhigeysa in ugu yaraan arintan maxkamada ay la ogtahay Bakistaan oo aan rabin in loo arko mid u kala safanaysa urur diimeedyada Turkiga ka Jira.

Erdogaan ayaa afgambigii ka dhigtey fursad uu kaga takhaluso urur diimeed mar ay saaxiibo yihiin laakin hadda cadow u ah, wuxuu weerar ku qaaday dhamaan hawkalada ay maamulaan ururkaas oo inta badann ku yaala wadamo sida Somaliya.

Rashiid Ceelaabyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.