X

Amaanka Muqdisho iyo ciidamada amniga oo iska baadhay dumarka qaba dhaqamada carabta sida indhashareerka iyo tuhun jira: WARBIXIN

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay si dadku u soomaan bishan sida nabada hadaba si taasi loo sameeyo ayaa ciidamada kala duwan ee amniga ay sameeyeen baadhitaano cidkasta lagu faydayo oo ay ku jiraan in dumarka Somalida ee hadda xidha indhashareerka carabta oo ay dalka keeneen urur diimeedyada ku xidhan Sucuudiga.

Indhashareerka carabta ayaa amni awgeed laga madnuucay Dhuusamareeb oo ay hadda joogaan ururka Ahlu sunna.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay jiraan rag soo xidhey indhashareerka dumarka kuwaas oo maleegaya falal ka dhana baniaadamka taas oo kaliftey in la iska ogaato waxa ku dhexjira marada madow.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa qaarkood kuu sheegaaya in laamaha ammaanka ay qabaan feejignaan ka dhan ah raggaasi, sidaasi daraadeedna ay u baahdeen in dumarka la baaro.

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Booliska, General C/laahi Xasan Bariise, ayaa guubaabiyay Xoogaga Booliska ee hawlgalada ka bilaabay Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

General Bariise, ayaa ku waramaaya inay u diyaar garoobeen ka hortagga weerarada ay qorshaynayaan xubnaha Ururka Al Shabaab ka tirsan, ee ku dhuumaalaysanaaya Magaalada Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.