X

Amar maamulka gobolka Banaadir soo rogey oo burburey: SAWIRO

Dhawaan ayay ahayd markii amar uu soo rogey gudoomiyaha gobolka Banaadir magaalada looga aruuriyay xoolaha siiba lo’da oo dadkii lahaa dayaceen. Haddasae waxa muuqata in amarkaas burburey.



Maamulka gobolka Banaadir ayaana hirgaliyay xarunta baadi qabadka xoolaha gobolka Banaadir oo la geyn jiray xoolaha magaalada laga aruuriyo , waxaana xoolaha lagu sii deyn jiray ganaax.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay lo’ wadooyinka magaalada iska dhax jiifta ama dhax socda, waxa ayna lo’dan dhibaato ku hayaan gaadiidka iyo bilicda.


Haddaba waxaad is weydiin kartaa waxa xoolaha looga faaiideysan waayay oo caruurta ku dayacan magaalada loo siin waayay caanaha iyo nafaqada kale ee ay u baahan yihiin.

”Waxa halkan ka muuqata in amarka iyo kala dambeyntu welli ayna jirin ama ay muuqato tabar dari dhinac kasta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.