X

Amisom oo ciidan beeleed Hawiye ah oo dharka ciidanka xidhan ka difaacday tuulo ay degan yihiin Biyomaal

Wararka laga helayo tuulada Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaal beeleed u dhexeeya beelaha qoxootiga ku degey gobolka iyo dadka deegaanka ay Amisom kala dhexgashay.

Wararka ayaa sheegaya in Amisom difaacday dagaal ay soo qaadeen ciidan ku labisan dharka dawlada oo weerar ku ahaa tuulo u dhow Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Waa markii u horeysay oo Amisom hakiso xasuuq ay gaysan lahaan ciidan ku labisan dharka dawlada kana soo jeeda beesha Hawiye ee Habargidir ee iyadu degta Galguduud.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.