Amisom ayaa maanta raashin ugu deeqday dadka barakacayaasha ah ee kusoo qaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Qeybta Sedexaad ee Amisom ayaa deeqdan gaarsiiyay ilaa 170 ruux kuwaas oo kasoo barakacay deegaanada miyiga ah ee Bay iyo Bakool isla markaana dhawaan kaam looga furay magaalada Baydhabo.
Xubno kamid ah maamulka Koofur Galbeed oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa magaalad Cabdullahi Cali Watiin , Wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka KGS Xasan Xuseen (Xasan Elaay), Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bay iyo gudoomiyaha Haweenka Gobolka Bay, General ASirte iyo korneel Tekele oo u qaabilsan Ciidamada AMISOM ee qeybta sedaxaad wacyigalinta iyo Arrimaha Bulshada iyo saraakiil ciidan oo ka socda AMISOM sector 3.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS