X

Amisom oo kala garan weyday argagixisada iyo dadka shacabka Afgooye kadib qarax dhacay

Amisom ayaa kala garan weyday argagixisada iyo dadka shacabka Afgooye kadib qarax ka dhacay halkaasi. Argagixisada ayaa qarax la eegtay ciidanka Amisom kadibna sidii caadiga ahayd goobta ka baxsaday.



Dadka deegaanka ayaa sheegay in  dugsi quraan ku yaalay goobta ay haleeshay rasaas Amisom soo ridey ardeyna halkaas lagu dhaawacay halka macalin iyo qaarna ku dhinteen. Lama sheegin tirada dhimashada.



Amisom ayaa war ku sheegtay in “Kolonyo ciidamadooda oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska cabin ayuu yiri wuxuuna ka gaabsaday in uu sheego khasaaraha dhabta

Argagixisada ayaa lagu yaqaan in ay rasaas ka soo ridaan goobaha dadku ku badan yahay kadibna fuleynimo awgeed baxsada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.