X

Amisom oo war ka soo saartay haween ay dileen iyo cida gabaad ka dhigatey

Ciidamada Afrikaanka ee jooga Koofurta dalka ayaa qirtey inay haween si qalada ugu dileen dagaal ka dhacay Shabeelaha hoose oo dhexmaray iyaga iyo dhiigmiiratada shabaab.


Qoraal kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in sideedii bishan Juun ay weerar gaadmo ku soo qaadeen argagixisada Shabaab waddo agabka loo mariyo ciidanka oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Janaale, kadibna iska hor-imaad ka dhashay jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Amisom ay ku dhinteen dad shacab ah.

“Nasiib darro, saddex haween ah ayaa lagu dilay iska hor-imaadka waxaana lagu dhaawacay laba kale, oo hadda lagu daweynayo isbitaalka Amisom.


Waxaa raali-gelin iyo tacsi u direynaa ehellada kuwa dhintay, waxaana kasoo kabasho deg-deg ah u rajeeneynaa kuwa dhaawaca ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Amisom.

Madaxa howlgalka Amisom Francisco Madeira ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadka dhintay, wuxuuna ballan-qaaday inay sare u qaadi doonaan sugidda amniga midana cashar ka barteen. Ma sheegin in magdhow ay siin doonaan haweenka geeriyooday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.