X

Amisom oo war hordhaca ka soo saartey dilka haweenayda Almaas Cilmaan

Ciidanka Amisom ee xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saarey sida dilku u dhacay. Warbixin hordhaca oo ay la wadaageen saxaafada ayay ku sheegeen in Almaas Cilmaan lagu diley rasaas wiifto ah.


Maxay ku fasireen dilka

”Almaas Cilmaan waxay la socotey gaari qaasa waxay ka qaybgashay shir ka socdey xarunta kadibna waxay u socotey garoonka Muqdisho xilliga ay dhacdey masiibadan naxdinta leh ayay ku sheegeen warbixintas.

Almaas waxay fadhidey kuraasta dambe qaasatan kan ka dambeeya wadaha gaariga, xabaduna waxay ka gahay gaariga daaqada muraayada ee dambe taas oo dhaawacdey Almaas.


Toogashada kadib maxay sheegeen

Waxa loola cararay isbitaal uu leeyahay Amisom oo xarunta ku yaal halkaas oo ay ku geeriyootey markii la keenayba ayaa la raaciyay warbixinta.

Waxaan intaas ku dareen in xabadda dishey ay ahayd wiifto mase sheegin halka wiiftada ka timi iyo in xilligaa ay jirtey is rasaasayn ka socotey xerada dhexdeeda iyo dibedda.


Is rasaasayntu caadi miyay u tahay xarunta

Waxayse sheegeen in xaruntu hesho rasaas wiifto ah oo lagu soo gano, waxase la is weydiin karaa halka gaarigu joogey iyo sida xabada wiiftada u dhaaftey guryaha toosna u abaartey.

Waxa muuqata in si toosa loo abaarey gaariga, waxana muuqata in warkan hodhaca ee Amisom aanu isqabanayn ayuu yiri Cali Calasow


Gebogabada Amisom maxay leedahay

Waxay warbixinta ku soo xireen in Amisom la shaqaynayso dawlada dhexe iyo hay’addaha amniga si loo soo taabto gunta dilkan foosha xun ee ka dhacay xarun Xalane, ayadoo ayna jirin dilal noocana oo soo gaara madaxda kale ee booqata xarunta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.