X

Amisom oo war ka soo saartey shil ka dhacay Afgooye

Amisom ayaa war ka soo saartey shil ka dhacay Afgooye oo ay ciidamadeeda u lug lahaayeen. Askarta shilka gaysatey ayaan goobta ku sii hakan ayagoo ka baqay in argagixisadu ku soo gabato dadka.

Shalay ayay ahayd markii Kolonyo ka tirsan AMISOM ay degaanka u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ay ku jiireen Mooto ay la socdeen askarta, waxaana dhacday in ilaa saddex gawaarida gaashaaman ah ay dul mareen Mootada, taasoo caro weyn ka dhalisay degaankaasi.



Laba ka mida askarta ayaa isla goobta ku dhintay markii saddex Baabuur oo waaweyn ay dul mareen, halka mid kale uu si xun ugu dhaawacmay, waxaana kolonyadii AMISOM ay u baxsatay dhinaca Muqdisho iyadoo aan u istaagin.



War ay AMISOM soo saartay maanta ayay ku sheegtay inay si weyn uga xun tahay shilka ka dhacay Wadadda Afgooye oo ay ku lug yeesheen ciidamada AMISOM, waxayna tacsi u dirtay dadkii ay ka dhinteen askarta Soomaalida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.