X

Amni darada ka jirta Muqdisho waxa eedeeda qaadaysa dawlada Somaliya: C/raxmaan Faroole

Garoowe–Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa eeda amni daro dusha uga tuurey dawlada Somaliya xilli suaalo badan layska waydin karo siday ku dhacday in hal huteel ay argagixisada caalamiga ah ay weerarto tiraba afar jeer iyadoo ayna jirin wax kahortaga oo ay qaadeen laamaha aminga.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay in dadka aan deegaanka ku haysan Muqdisho amaankooda ay qaadayso dowladda Fadaraalka waxaa uuna dowladda Fadaraalka ku dhaliilay amaandarada dadka aan qaraabada ku lahayn Muqdisho.
Waxaa uu xusay Faroole in dowladdu tacsi wax dhaaf siisan aysan soo sheegin isagoo carabaabay in qof aan shaqo rasmi ah u aadan Muqdisho inuusan tagin waxa uuna hadalkiisa sii raacshay in dowladdu ay xil iska saarto ammaanka dadka degaya Hotelada.
Hadalka kasoo baxay C/raxmaan Faroole ayaa muujinaya mid Dowladda uu ugu dhaliilay geerida ku timid dadka kasoo jeeda deeganada Puntland ee ku geeriyooda qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho, isaga oo aan Faroole soo hadal qaadin dadka kale ee qaraxyada ku dhimanaya ee shacabka Soomaaliyeed ka midka ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.