Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu noqdey ayaa ka waramay siduu u arko shirkii maamul goboleedyada qaar iyo Xasan Sheekh oo ku dhamaadey sadbursi iyo jahwareer.
Axmed Madoobe oo baryahan dambe ka fogaanaya Puntland oo ay awal ahaayeen xulufo ayaa sheegay in iyaguba ku qanacsanay sida loo qaybsaday Aqalka Sare laakiin uu yiri u tanaasuley Somalinimo inkastoo aan la garanayn waxa uu ula jeedo Somalinimo maadaama goobta lagu qaybsanayay kuraas hab qabiil ku dhisan.
Axmed Madoobe oo raba in uu ganacsi ku noqdo xilliga uu xilkiisu dhamaado ayaa hadalkiisa ku soo koobey ”waxaan samaynay tanaasul si loo gaaro xal deg dega”.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS