X

Aqoon la’aanta ayaa keenaysa in warbixinteydii si qaldan loo fasirto: Hanti-dhowre Afgooye

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa sheegay in Warbixintii uu shalay soo saaray oo ku saabsaneyd warbixin sanadeedkii 2018 si qaldan loo fasirtey beena laga sheegay.


Shalay ayay ahayd markii uu warbixinta soo saaray si jahwareersan suuqa loo soo geliyay in lacago la lunsaday wuxuuna taas ku fasuirey aqoon la’an jirta oo kuwa kalena koobiga la raacaan.


Warbixin uu bixiyay shalay oo lagu cambaareeyay markii warbixintaas qaarkood ku fasirey Af-Ingiriis halkii la rabay inuu dhamaanteed ku qoro af-Somali ayuu ku sheegay inana isla lahauyn lacagta wadamadu bixiyaan iyo ta ku soo dhacda bangiga dhexe.

Macanaheedu maaha in dawladu lacag dhintey ama reebtay laakiin ay tahay lacagta saxda ah ee soo gaartey halka lacagaha qaar ee dawladuhu bixiyaan ay ku daraan mashaariicda socota kadibna soo qoraan lacagta guud.


”Waa aqoon xumo marka warbixin aad qorto oo cadaana haddana adigoo arkaya la yiraa lacaga la lunsaday ayuu yiri Maxamed Cali Afgooye.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.