X

Aqoonyahano reer Awdala oo qaba in xoolaha ku dhintey Awdal ayna badankooda dilin abaari ee wax kale jiro

Sidaad aad uga daawateen dhamaan saxaafada ka soo jeeda gobolada Awdal ayaa wax badan indhaheenu qabteen xoolo badan oo dhintey oo inoda badan lagu wada rogey hal hog oo loo qoday si fiicana loo habayn aasidooda. Xoolahaas inoo muuqdey waxay muujiyeen laba arimood oo walwal leh.

Inkastoo maamulka Somaliland oo sheegta in goboladani ka mid yihiin ayna jiraan wasiiro lacago ku qaata magaca xanaanada xoolaha ayaa marnaba la arkin iyagoo tagaya goobaha xoolahani ku dhamaadeen lagamana filayn markii horeba.

Waxayna xaga dadka goboladan degan ka yihiin agtooda kuwo aan jirin laakiin cuna cashuurta ay ka qaadaan xoolahan marka la keeno suuqyada. Xoolihii ugu badnaa ayaa ku dhintey deegaano u dhow deegaanka Quljeed iyo Fadhixun oo ka tirsan Lughaya.

Hadaba aqoonyahano reer Awdala oo si dhow ula socda dhibaatada xoolahaas qabsatey iyo dadkii iska lahaa ayaa sheegay in xooluhu ayna u dhiman abaar waayo ayay yiraan xoolaha aan daawanay dhamaantood waxay yihiin kuwo sii noolaan kara ilaa laba bilood oo kale waxana ka muuqatey in ay wada caafimaad qabeen oo jirkooduna quruxbadnaa.

Hadaba mar ay noo sheegeen waxyaabaha dhici kara ayay sheegeen in xooluhu sumoobeen inkastoo ayay ku dareen in ayna cadayn Karin nooca sunta ee xooluhu cuneen maadaama ayay yiraaheen ayna haysanin qalab ay ku baaraan.

Aqoonyahanadan ayaa isku raacay in Qaramada midoobey qaybteeda beeruhu soo farageliso maadaama ayna jirin dawlad wax ka qaban karta dhibaatada jirta oo dalku burbur ku jiro 25 sano gaaray.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.