X

Aqoonyahano Somali ah oo ka qayliyay ajaanib la sheegayo in loo dhiibayo bangiga dhexe

Aqoonyahano Somali ah ayaa ka qayliyay ajaanib la sheegayo in loo dhiibayo bangiga dhexe. Nin aan haba yaraatee aqoon cilmiga dhaqaalaha iyo sida loo maamulo oo Ingiriisa oo weliba ka mid ahaa dadka qoraayay liistada shaqada ee gudoomiyaha bangiga dhexe ayaa la sheegayaa in uu ku soo baxay.


Ninkan oo lagu magacaabo Nigel ayaa waxa u qoran inuu bartey cilmiga dhaqaalaha beeraha oo aan wax shaqo ah ku lahayn hab maamulka basngiga ayuu yiri Prof Yaxya.

Waxa taas u dheer waa ajaanib aan aqoon luqada Somaliga, Somaliyana luqad Ingiriis loogama hadlo inkastoo xafiis kasta af-ingiriis wax laysku dhaafsado. ”Wuxuu u baahanaya tarjubaan.


Ninkaan ayaa la sheegay in uu wax kaga jiro shirkad Ingiriisku u samaystey Somaliya oo qaadatey macluumaadka gaas iyo saliida Somaliya oo lacag kaga qaatey fadhiid Sh Shariif.


Hoos ka dhegeyso prof Yaxya

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.