X

Araabi oo biyo ag-buuxaan haddana usbuuc bilaa biyo ah sey wax u jiraan: Daawo

Degmada Araabi ee ismaamulka Soamaali galbeed ayaa maalintii todobaad bilaa biyo, waxana la arkayaa dadka magaalada oo biyaha la wadaagaya Waraabaha , xilli lagu jiro xilli roobaadka deyrta kaneecaduna weerar xun ku hayso degmada.


Degmada oo ay hoostagaan tuulooyin farabadan ayaan RABI biyo ka haqabtirey, waxana eeda ugu weyn iska leh maamulka degmada kale ee la hoos dhigey ee Dambal.

”Cabashada dadka reer Araabi qabaan ayaa ah mid aan cusbeyn qaasatan dhinaca biyaha oo ah aasaaska nolosha, waxana iska cad fadhiidnimada maamulka iyo dadka deegaanka oo ay ku yartahay inay cabashadooda la tagaan Jigjiga.


Maamulka degmada la hoos geeyay ee Dambal ayaa dadka deegaanka Araabi iyo deegaanada ku xeersanba ayna ku lahayn wax matalaada, waana ta keentay in lagu daawado dhibaatooyinka waaweyn ee biyo la’aantu ugu horeyso ayuu yiri Cali Maxamed.

Waxa aakhirkii yimi magaalada fadhiidyo ka socda degmada Dambal oo sheegay in daynabadu gubatey, waxaadse is weydiin kartaa waxay magaaladu ugu tiirsan tahay hal ceel oo keliya iyo mudada ay qaateen. ”Horaan uga qaylinay in degmadu hal ceel ku filneyn mase jiraan cid dheg jalaq noo siisey ayuu raaciyay Cali Maxamed.


Maamulka sadex sano jirsadey ee Soomaali Galbeed ayaan haba yaraatee waxba ku soo kordhin hadday noqoto maamul, waxa keliya oo uu hoos u bedelay shaqaalaha kuna bedelay kuwo jufadiisa ah ayuu yiri Yuusuf C/raxmaan oo Jig-jiga jooga.

Hoos ka daawo dhalinta degmada oo marhore ka qayliyay biyo la’aanta ayagoo farta ku fiiqaya kuwa matala deegaanka.

Biyo la’aanta ku habsatey Araabi ayaa sii socon doonta ilaa dadku helaan matlaad dhaba, matalaadaas oo oo leh la xisaantan dhaba.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.