Hore ayaan u sheegnay hadafka warbaahinta caalamiga ah ee ARAABINEWS waxase jira iimaylo na soo gaaray oo codsaday in ay ka waayeen shabakada waxa ay u taagan tahay. Waxaan markaasi jeclaysanay in aan mar labaad daabacno hadafka warbaahinta ARAABINEWS.COM.
ARAABINEWS waa warbaahin madax banaan oo aan matalin qabiil haddii magacu yahay ARAABI oo ah magaalo Somaliyeed taas macnaheedu maaha in ay u hadalno magaaladaas dadka ku nool ama ku ABTIRSADA waxase magacu ka dhigan yahay magacyada kale ee warbaahinta Somalidu qaadatay sida Berberanews ama Burconews.
ARAABINEWS waa warbaahin madaxbanaan fikradaha qoraayada ama ay qoraan shaqaalaha ku jira shabakada ma matalaan ARAABINEWS qofkii markaasi aan jeclaysan wuxuu u soo qori karaa maamulka isagoo sheegaya waxa uu ku diidan yahay warka ama faalada baxay waxana Jirta qayb shabakadu leedahay oo ku saabsan fikradaha dadka.
Hadafka ARAABINEWS ayaa ah in ay dhisto bulsho caafimaad qabta oo ka fog qabyaalada iyo kala qoqob haddii aan la jeclaysan iyo haddii kalaba waana halka yoolkayagu ku taagan yahay iyo tusida bulshada waxyaabo ayna ogeyn.
Mar labaad ARAABINEWS uma hadasho qabiil mana matalno fikrado dad khaasa ay qabaan..qoraayada ka midka ah ARAABINEWS waxay xor yihiin in ay qoraan sida warka soo dhacay ula muuqdo iyaga haddii warkaasi aanu ka hor imanayay anshaxa wargudbinta ee ARAABINEWS iyo shaqsiyaad toos loo aflagaadeeyo.
ARAABINEWS.COM nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com