Telefishinka Dawladda Puntland ayaa Caawa Baahiyay Warbixin xiiso badan oo la xariirta hawlgalka lagu sifaynayo Argagixisada Puntland kaas oo si toos ah u soconayay maalmihii lasoo dhaafay.
Warbixinta ayaa Muujinaysa Godadka Argagixisadu ku dhuumalaaysanayso, waxaana muuqalaka ka muuqday ciidanka oo Argagixisada ku ridaya hubka daran dooriga u dhaca.
Shacab waynaha Puntland ayaa muujiyay dareenkooda, waxaana ay balan qaadeen inay taageero hiil iyo hooba ah la garab taagan yihiin sooma jeestayaasha Puntland ee dalka dhiigooda u huraya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS