X

ARAG sawiro laga soo qaaday qabriga madaxweynihii u dambeeyay dalka Maxamed Siyaad Barre

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa booqasho ku gaaray Qabriga allaha u naxariistee Madaxwaynihii hore ee dalka Somaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ku aasay degmada Garbaharay.

Masuuliyiinta qabriga booqday ayaa waxaa kamid ahaa Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Bule Maxamed iyo Masuuliyiin kale.

Qabriga marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ku aasay degmada Garbaharay, ayaa waxaa muddo dul taagnaa Masuuliyiintaasi oo duco ku kabay qabriga.

Wafuudan ayaa socod dheer kusoo maray degmada Garbahaarey iyagoo Allaah uga baryey in marxuumka janatul fardowso ka waraabiyo

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.