Waa tijaabo aad u xiise badan oo ay daawadeen todoba Milyan oo qof waxayna ku saabsan tahay haddii haweenay Muslim ah lagu cunsureeyo tukaan ama goob wax laga iibsado Maraykanka aan Muslimka ahayn ma difaaci doonaan mise waa ku raaci doonaan qofka cunsuriga samaynaya.
Tijaabadan ayaa ka yaabinaysa iyadoo ku dhamaatey in 13 qof difaaceen haweenayda xijaaban ee Muslimka ah waliba ka qiiroodeen iyagoo aan Muslim ahayn halka lix qofna ku raaceen cunsurinadii lagula kacay.
Waxase dadka tijaabadan wada ay dhinaca kale ka yaabeen tiro dad ah oo iyagu aan dhinacna raacin. Waana tirada aan iyagu go’aan qaadin Karin sababo badan awgeed.
Waxa fikirkan lahaa gabadh Muslimad ah oo si aada ula kulanta cunsuriyad dalkaasi Maraykanka waxayna soo bandhigtey sida loo waxyeeleeyo had iyo jeer.
ARAABINEWS