Ardey imtixaan u gashay hogaanka caafimaadka ee ciidanka xooga dalka. Ardeydan ayaa gaaraya 200 oo ka yimi magac u yaalada Jaamacadaha Muqdisho ayaa imtixaanka u galay kalkaaliye iyo dhaqtarnimo.
Ardeyda ku biireysa ayaa ciidanka xooga dalka haddii ay ku baasaan imtixaanka. Jeneral Liibaan Xuseen ayaa sheegay in Shaqsiyaadka guuleysta ay ka shaqeyn doonaan Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka.
Sidoo kalena la geyn doono xarumaha ciidamadda ee Gobalada dalka, maadaama la rajeynayo in ay ka bilowdaan hawlgalo guud ahaan dalka looga saarayo Cadowga argagixisada shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hore u amray in Ciidamadda Xoogga dalka ay kasoo dhex muuqdaan dhalinyarada wax ka baratay dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS