Kooxdii sida la sheegay ka tirsnayd kooxda Daacish oo Saaka qabsaday degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa isaga baxday sida uu noo sheegay mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada ee aaday Qandala.
Mid kamid Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in shacabka magaaladu soo weceen iyagoo kusii socda degmada , islamarkaana u sheegeen in kooxdii isaga baxday magaalada.
Sarkaalka ayaa tilmaamay inaysan garanayn halka ay uga baxeen magaalada, balse Qandala ayaa ah magaalo xeebeed buuralay ah waxaana loo malaynayaa in ay galeen buuraha magaalada ku xeeran.
Puntland ayaa ciidamo maanta u dirtay magaalada si ay uga saaraan magaalada Daacishta la sheegay inay qabsadeen, dad badan ayaa isaga baxay magaalada markii kooxda lagu sheegay Daacish qabsadeen magaalada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS