X

Argagixisada oo fulisay qarax kale oo lagu xirey gaari

Argagixisada ayaa fulisay qarax kale oo lagu xirey gaari oo ku qarxay magaalsada Muqdisho gaar ahaan xaafada 1-da Maajo ee Waaberi. Qaraxan gaariga lagu xirey ayaa waxa la sheegay inuu ku dhaawacmey wadihii gaariga.


Argagixisada ayaa ku guulaysata inay qarax ugu xiraan gawaadhida shicibka kuna qarxa isla marka ay fuulaan maadaama ay ag joogaan ama ka fogeyn goobta.


Ciidamada amniga oo goobta gaaray ayaa halkaasi ka qaadey ruuxii waday gaarigaas oo dhaawaca. Waxayna sheegeen in qofkii ku xirey uu daawanayo sida wax u dhaceen.

Maaha markii u horeysay ee argagixisadu sidan oo kale ay ku dishi muslimiin ay gaaleysay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.