Warka naga soo gaaraya isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari uu halkaasi ku qarxay uuna ku dhintey isla qofkii waday gaarigaasi. Dad ka ag dhawaa ayaa arkey nin kaligii ku qarxay gaariga.
Ciidanka amniga oo ka agdhawaa goobta gaarigu ku qarxay ayaa sheegay markii hore inuu ahaa argagixiso kaligii qarxay. Waxase mardambe la ogaadey inuu ahaa agaasime waaxeed argagixisadu miino ugu xirtey.
Waxa baryahan dambe kordhey isqarxinta argagixisada kooxda gaaleynta Muslimiintu ka gaystaan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.
Xasuuqyada ka dhaca Muqdisho iyo kuwa sida gaarka ah loo fuliyo ayaa kordhey mudooyinkii u dambeeyay, ayadoo argagixisada xoogeeda isugu geysay isqarxinta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS