Argagixisada ayaa haweenay booliisa ku dishey Muqdisho. Haweenay ayaa maalinimada ku shaqayn jirtey shaqada sharafta badan ee amniga halka habeenkiina ka xoogsan jirtey tukaan ay lahayd.
Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Kaaha Jaamac. Mid ka mid ah Gaadiidka deg dega ah ayaa waxa uu halkaasi ka soo qaaday Meydka Marxuumad Kaaho, waxaana loo soo qaaday xarunta dambi baarista si baaritaano loogu sameeyo.
Sida caadiga ah argagixisadii xalaashadey dhiigeeda ayaa goobta ka baxsadey intaan ciidamada dawladu soo gaarin. Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Hodan ee magaalada Muqdisho qaasatan Saybiyaano.
Argagixisada ayaa soo celisay dilalka qorsheysan ee ay ku xalaashadeen dhiiga Muslimiinta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS