Argagixisada ayaa hubka ugu badan kala soo degta xeebaha furan ee Somaliya. Gobolada Somaliland sida Saaxil iyo kuwa Puntland sida Laasqorey, xeebaha Hobyo ilaa agagaarka Marka iyo Kismaayo ayaa ah meelaha hubka ugu badan kala soo degto.
“In aan ka hortagno Ururada argagixisada adeegsiga ay adeegsanayaan baddan Soomaaliya ee iska furan noqotay iyaga oo hub kala soo daga Gobolada qaybtooda, kuna dhibaateeya shacabka Soomaaliya, arrimahaasi oo dhan markaan aragnay waxaan istusnay in aan dhisno ciidamada illaalada Xeebaha Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Ku xigeenka amniga Soomaaliya.
Si arrintaasi suurtagal ay u noqoto ayaa Wasiir Ku xigeenka wuxuu sheegay in dowladda ay dhiseyso ciidamada badda Soomaaliya oo si wayn loo tayeyn doono, si xeebaha Soomaaliya ay uga shaqeeyaan.
Argagixisada Shabaab iyo Daacish ayaa hubka ugu badan ka iibsada Amisom iyo ciidanka Somalida.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS