X

Argagixisada oo Muqdisho ku dishey haweenay

Argagixisada shabaab ayaa saaka ku toogtay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho haweeney ka tirsaneyd shaqaalaha garoonka dayuuradaha Aadan Cadde.

Haweeneydan oo magaceeda lagu soo gaabiyey Faa’iza ayaa lagu dilay nawaaxiga halka loo yaqaano Tabakaayo madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley wax yar ka dib markii ay ka soo baxday hoygeeda kuna soo jeeday goobteeda shaqada.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumada ay ka mid aheyd shaqaalaha nadaafada ee ka howlgala xafiisyada laanta socdaalka iyo jinsiyadaha uu ku leeyahay garoonka Aadan cadde.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo sida caadada ah ay daqiiqado ka dib goobta dilku ka dhacay ay soo gaareen ciidamada dowlada Somalia oo halkaas ka qaaday meydka haweeneydan, baaritaano koobana sameeyey sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Dilalka noocan ee inta badan loo geysto shaqaalaha iyo ciidamada dowlada ayaa ku soo laalaabta magaalada Muqdisho. Maaha markii ugu horeysay oo argagixisadu dilaan dadka xoogsanaya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.