X

Argagixisada oo Muqdisho ku qarxiyay gaadhi aroos lagu dooni rabey yaase khasaare soo gaaray

Argagixisada ayaa Muqdisho ku qarxiyay gaadhi aroos lagu dooni rabey. Sida wararku sheegayaan gaadhigan ayaa si farxadle loo sharaxay oo lagu yaqaano aroosyada waxase la shegay in uu qarxay intii uu ku sii socdey arooska iyo aroosada.



Wariye tagay goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa soo sheegay in uu indhahiisa ku arkay gaari si qurux badan ubax loogu sharaxay oo la qarxiyay waxaana halkaasi ku dhaawacmay Ninkii baabuurka watay oo rabay xiligaasi in uu guriga ka doono arooska sidoo kale waxaa ku dhaawacmay cunug yar oo dugsi ka yimid gacantana ka go’ay iyo haweeney halka uu qaraxa ka dhacay ka agdhaweyd.



Argagixisada ayaa can ku ah in ay cidkasta dilaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.