X

Argagixisada oo Puntland gaarsiisey khasaarihii ugu badnaa kadib gaadmadii shalay: SAWIRO

Argagixisada oo Puntland gaarsiisey khasaarihii ugu badnaa kadib gaadmadii shalay.

Weerarkii ARGAGIXISADU ku qaaday Saldhiga ciidamada Daraawiishta ee Gobolka Bari wuxuu ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee Ciidamo Soomaaliyeed lagu laayo.



Tirada dhimashada dagaalka ayaa gaartay in ka badan 50 iyadoo 45 ka mida yihiin askarta Daraawiishta Puntland ee xerada ku sugnaa, waxaana dadka lagu dilay weerarka ka mida talieyayashii saldhigga.

Muuqaalada hoose waa qeyb ka mida meydadkii askarta ee goobta loogu tegay, waxayna muujineysaa heerka qasaaraha dagaalkaasi uu gaaray.



Askartan ayaa u muuqda in ay is dhigtaan naxariisna ka sugayan argagixisada xalaashatey dhiiga muslimiinta Somalida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.