X

Argagixisada oo weriye ku dhaawacdey Muqdisho iyo magaca weriyaha: SAWIRO

Argagixisada kooxda gaaleynta Muslimiinta ayaa weriye ku dhaawacdey Muqdisho kadib markii ay bambaano ugu xirtey gaarigiisa. Waxay kooxdan gaalayntu xoojisay weerarada ay ku qaadayso ummada Muslimiinta ah ee ay gaalayso.


Goobjoogayaal ayaa ARAABINEWS u xaqiijiyay in gaariga uu watay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo u shaqeeya idaacad mxali ah oo ka furan Muqdisho laguna magaaabo radiyo star.

Ciidamada Ammaanka dawladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta argagixisadu ku weeerartay weriyaha waxayna qaadeen wariyaha oo dhaawaca. Lama sheegin in uu dhaawacu yahay mid halisa iyo inuu yahay mid khafiifa.


Dadka Muqdisho ayaa hadli karin waxana la ugaarsadaa habeen iyo maalin inta ay diinta ka saaraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.