X

Warar dheeraada oo ka soo baxaya argagixiso dad ganacsanaya ku xasuuqdey Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax argagixisadu maleegtey ku dhinteen ugu yaraan 10 qof halka dhaawacuna intaas ka badan yahay. Dhiigmiiratada argagixisada ayaa qaraxa la eegatay goob dadku ku badnaa oo ganacsigu socday.


Lama garan karo nooca qaraxa uu ahaa halka dadka qaarkii ay leeyihiin wuxuu ahaa bam gacmeed halka kuwo kalana leeyihiin wuxuu ahaa miino dadka loo aasay.

Si kastaba ha ahaatee ururka ahlu Sunna ayaa hore uga digey in imaatinka ciidamada dawlada ee Galmudug ay keenayso argagixisada oo fursad hesha maadaama ciidanka la keenayaa qaarkood taageeraan argagixisada.


Ciidanka dawlada ee goobta gaaray ayaa dadka faray inay ka hadlaan sidey wax u dhaceen la wadaagaana ciidamada amniga si ay gacanta ugu soo dhigaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.