X

Argagixisada shabaab oo afduubey gaadhi gurmad oo ay leedahay degmada Dhuusamareeb iyo sida ay u khiyaameen

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in gaari kuwa gurmadka deg dega ah oo ay la socdeen kalaalkiye caafimaad iyo darawalkii waday lagu afduubtay meel duleedka bari kaga beegan.

Ragga la afduubtay ayaa kala ahaa Cabdi Kaafi Japan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha Isbitaalka Dhuusa Mareeb iyo darawalka gaariga Yaxye Muxiyadiin.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Biya-Quute oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in dableyda afduubka geysatay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Raggii afduubatay gaarigaas waa Al-Shabaab, waxaa gaariga la geeyay degmada Galhareeri oo Al-Shabaab gacanta ku hayaan”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Biya-Quute.

Waxaa uu sheegay in ka hor intii aysan afduubin raggan iyo gaariga inay taleefan ka waceen iyagoo u sheegay inay yihiin ehelka haweeneey fool aheyd, hase yeeshee markii ambalaasta ay halkaasi tagtay ay ugu tageen ragga hubeysan ee afduubka u geystay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.