X

Argagixisada Shabaab oo dagaal ku iclaamisay kuwa la mida ee Daacish

Argagixisada Shabaab ayaa dagaal ku iclaamisay kuwa la mida ee Daacish. Labadan kooxood ee gaalaynta Muslimiinta ayaa midba kan kale ku sheegtay inuu ka diley xubno ka tirsan. Waxana muuqata inay dagaalkoodu sii fidayo.


Labadan urur diimeed ee gaalaynta Muslimiinta ee laga xukumo wahaabiyada Sucuudiga ayaa isku jeedsigoodu kheyr ugu jiraa dhalinta ay qaldeen ee ay u sheegeen in dhiiga mUslimiinta oo la daadiyo lagu janno tago.


War uu akhriyay gacanku dhiigle Cali Dheere oo baryahan dhuumaaleysi ku jira ayaa lagu sheegay in kooxda ay walaalaha yihiin ee DAacish ay dhib ku hayso Somalida loona baahan yahay inlaga qabto.


”Waan ku qoslaa ayuu yiri Xuseen Jibriil markaan maqlo gacan ku dhigle Cali Dheere oo leh Daacish aya dhib ku haya Somalida oo isagu inta ku maqan miyuu ilaaway.

Somaliya iyo shacabka Somaliyeed guul ayaa ugu jirta iscun labadan dhiigya cab ee ku ameyrta dhiiga Muslimiinta ay gaaleeyaan ayuu raaciyay Xuseen Jibriil oo argagixisadu dishey eheladiisa.

Dhinaca kale dawlada Somaliya ayaa sheegtay in Daacish ay soo galeen magaalooyin ka mida Somaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.