Ciidanka Hay’adda Sirdonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo Howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa suurta galiyay in ay gacanta kusoo dhigaan 5-kamid ah kooxdii Hoobiyaha ku soo tuurtay degmada Xamar jabjab ee Gobalka Banaadir.
Ciidamada Sirdoonka ayaa ka war helay in dhaawacyada 2-kamid ah argagixisada ee dhaawaca ka soo gaaray rasaas ay is weydaarsadeen Ciidamada Booliska la gaarsiiyay Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kadibna soo qabtay labadii nin ee hoobiyaha soo tuurtay iyo Sadax Qof oo kale oo dhaawacyada labadaasi dhagarqabe geeyay Cusbitaalka.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Shukri Ayaa warbaahinta u Sheegay in ciidamada ay sidoo kale sheegay in ay qabteen Afar Ruux oo guriga ku qariyay labada qof oo dhaawacooda Cisbitaalka lagu qabtay kahor intaa aan Cisbitaalka Loo Qaadin haddana ay su’aalo weydiinayaa Laamaha Ammaanka.
“Ciidamada NISA ayaa baaris ka sameyay Cusbitaalka Madiina, waxaa gacanta lagu hayaa 9-ruux oo 2-ay ahaayeen kuwii Hoobiyaha ridayay 3-Cusbitaalka u qaadday iyo 4-nin oo ku sugnaa gurigii ay ku dhuunteen ka hor inta aan cisbitaalka loo gudbin”Ayuu Yiri Mudane C.Kaamil.
Ciidamada Booliska ayaa mar sii horreysa gacanta ku dhigay gaariga Hoobiyaha Laga Tuuray iyo Hoobiyihii ay dadka Shacabka ah ku dhibaateeyeen Caawa.
Madaafiicda ayaa waxaa ku nafwayay 2-qof oo dad masaakiin ah halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 10-ruux kadib markii hoygooda ay madaafiicdu ugu tagtay.
Ciidamada Booliska iyo Nabadsugiida ayaa wali ku howlan baaritaanno laga sameynayo qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu baadi goobayo kooxahan oo maalmahan dilal qorsheysan iyo ka geysanayay magaalada muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS