Argagixisada Shabaab ayaa isku qarxiyay magaalada Muqdisho iyo khasaare jira. Gaari argagixisadu wadatey oo ku jirey safka baarista bar xanibaad u dhow wasaarada gudaha ayaa is qarxiyay.
Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, qaraxa kadib waxaa cirka isku shareeray uuro madow, taasi oo ay arkeen shacabka qaar ee ku nool Muqdisho.
Ciidamada ku sugnaa Barta xanibaad ayaa qaraxa kadib riday rasaas farabadan oo ay kaga jawaabayaan qaraxa dhacay inkastoo aan la garanayn cida ay ku furayaan.
Khamiistii ayay ahayd markii argagixisadu xasuuq xun ka gaysatey Muqdisho markii ay goob shacaba isku dhex qarxiyeen. Diinta argagixisada ayaa mid aan dadka kala soocin shacabka.
Kuwa aan aaaminsanayn fikirkooda ayaa xagooda ka qoran gaalo. Dawlada ayaan welli war ka soo saarin xasuuqan u dambeeyay iyo inta khasaaruhu yahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABNINEWS