Muqdisho–Hay’ada sirdoonka Somalida ayaa magacii ka bedeshay kooxda argagixisada shabaab ee gaaleeya musimiinta kadibna dhiigooda xalaashada. Magaca cusub ee hay’adu u bixisay ee UGUS oo loo soo gaabiyo ”ururka gumaadka ummadka Somaliyeed” magacan ayaan ahayn magac adag ama muunad leh oo si adag u cabiraya hawsha ay qabato argagixisadu.
Hay`adda ayaa sheegtay in magacaan uu noqonayo kan rasmiga ah ee ay dowladda Soomaaliya u taqaano Al-Shabaab.
Waxa ay sheegeen in UGUS ay tahay urur aan oggolayn qaranimadda Soomaaliya, islamarkaana ku shaqeeya afkaar shisheeye oo aan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka soomaalida waafaqsanayn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS