X

Argagixisada shabaab oo qarax ka gaysatay maqaaxi ku taal magaalada

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya weerar fuleynimo oo argagixisada xasuuqa dadkeena ay ka gaysteen maqaaxi lagu shaaho ku taala magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa ka dhashay laba Miino oo lagu aasay maqaaxida oo xiligaasi ay ku shaahayeen dadkeena. Warar ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare ka dhashay qaraxa.

Qaraxyada ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa afar ruux oo dhaawacoodu aan sidaa u buurneyn. Maaha markii ugu horeysay ee argagixisadu si xun u xasuuqdo dadkeena.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.